Ilwareed Online
Daily News and entertainment from East Africa stay connected and get up-to-date news and events | @ilwareed | @ilwareedonline.

DEGDEG: Diyaarad ku burburtay garoonka diyaaradaha Garbahaareey

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in diyaarad nooca yaryar ah ay ku burburtay garoon ku yaala halkaasi.

Sida ay sheegayaan wararka diyaaradda ayaa la sheegay inay baalka ku qaaday dhisme ku yaala afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Garbahaareey, iyadoo ay ka badbaadeen shan qof oo la socotay.

Sidoo kale diyaaradda oo siday xamuul iyo qalab kale oo gargaar ayaa la sheegayaa inaysan soo gaarin wax burbur ah, iyadoo maamulka degmada Garbahaareey ay sheegayaan in diyaaraddu gebi ahaanba burburtay.

Dhinaca kale diyaaradda ku burburtay garoonka diyaaradaha Garbahaareey ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan sidaas oo kale diyaarad ugu burburtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.

Download ilwareed App from Google Play Store. Ilwareed App
Comments
Wuu socdaa sug...