var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Deg Deg:Taliye Boolis oo dilay Gudoomiye ku xigeenkii Degmada Xaafuun ee maamulka Puntland.  

Ilwareed Online –

Maxamed Muse Bahaley Gudoomiye ku xigeenka degmada Xaafuun ayaa Xalay Ku Geeriyoday Isbitaalka wayn ee magaalada Bosaaso, kadib markii uu dhaawac ka soo gaaray rasaas uu furay Taliyaha Booliiska ee Degmadaasi.

Marxuumka dilkiisa ayaa wuxuu ka dhacay gudaha degmada uu madaxda ka yahay, isagoo dhaawaciisa loola cararay isbitaal ku yaal Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Taliyaha Booliska degmada Xaafuun iyo Marxuumka ay isku maan dhaafay haweenay deeganka ah sida ay sheegayaan dadka deegaankaasi, taasi oo markii danbe dhagax la dhacday, rasaas ayuu furay taliyuhu kadibna xabadihii ayaa madaxa ka haleelay gudoomiyihii degmada Marxuum Bahaley Alle ha u naxiiriistee oo meesha ka dhawaa.

Dhanka kale Wasaarada Amniga Puntland ayaa amar ku bixiyay in lasoo xiro taliyaha Booliska degmada Xaafuun ee gobolka Bari kaa oo rasaas uu furay uu ku geeriyooday Gudoomiye ku xigeenka degmada, waxaana la soo sheegayaa inay kacsan tahay maanta Xaalada guud ee degmada Xaafuun.



Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline

You might also like More from author

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.