var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Deg Deg:Al-Shabaab oo Madaafiic ku garaacday Deg. Baraawe iyo Ra’iisal Wasaaraha oo goordhow ku wajahan degmadaas.

#Ilwareed Online – #

Wararka ka imaanaya degmada Baraawe ee gobalka Sh/Hoose ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay madaafiic ku garaaceyn qeyba ka mid ah degmadaasi oo ay ku sugan yihiin Madaxda Ugu sareysa Koonfur Galbeed iyo Ra’iisal Wasaaraha oo xiligaan ku wajahan degamdaasi.


Ra’iisal Wasaaraha iyo Wafdiga la socda ayaa hadda ku sugan Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kuwaas oo aan wali dhaqaaqin ayaa sheegay in lagu soo wargiliyay in Magaalada ay hadda ku socoto Duqeyn Al-Shabaab ku hayaan Degamadaasi.
Al-Shabaab ayaa duqaymaha la beegsaday gudaha magaalada iyo sidoo kale nawaaxiga Garoonka diyaaradaha ee Degmada Baraawe, sidoo kale waxaa la soo sheegayaa in Ciidamo ka tirsan Dowlada ay iyana ridayaan Madaafiic Jawaab u ah Al-Shabaab, mana jirto cid xaqiijin karta khasaaraha labada dhinac soo kala gaaray.
Dhanka kale saraakiisha Ciidanka Xoogga ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in gudaha degamada Baraawe ay ku soo dhacday Madaafiic Hoobiyaal ah, waxaana halkaasi sidoo kale ku sugan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas oo soo dhaweyn doona Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha hadiiba ay tagaan Degmadaasi.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : #ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: