Ilwareed Online
Daily News and entertainment from East Africa stay connected and get up-to-date news and events | @ilwareed | @ilwareedonline.

DEG DEG: Laacib ka tirsan kooxda Dekedda oo isbitaal loola cararay

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Dekedda,iyo xulka qaranka dalkeenka Soomaaliya, C.kariin Cabdalla Qubaaye ayaa laga saaray garoonka, kadib markii uu dhaawac horar ah uu ka soo gaaray ciyaarta iminka ka socota garoonka Banaadir Stadiom ee Muqdisho.

C/kariin ayaa laga saraay garoonka, waxaana dhaawac aad u naxdin badan uu kala kulmay ciyaaryahanka lagu magacaabo guuleed oo ka tirsan kooxda Muqdisho United.

ciyaarta u dhaxaysa Dekedda iyo Muqdisho United, ayaa qaybtii hore lagu kala maray 0-0.

Qubaaye waxaa kooxda caafimaadka ee Dekedda u qaadeen Isbitaal si loo soo eego xaaladiisa caafimaad, waxaa loo maleenayaa in uu dhaawaca ka soo gaaray laf dheerta.

Download ilwareed App from Google Play Store. Ilwareed App
Comments
Wuu socdaa sug...