var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Deg Deg: Guddoomiye cusub oo G/Banaadir loo magacaabay iyo Taliyaal cusub oo loo magacaabay Nabad Sugidda iyo Milatariga.

Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Maanta ka qeyb galay Shirkii Golaha Wasiiradda Soomaaliya, isagoo ka hor sheegay in Xilka qaadis lagu sameeyay Taliyaasha Nabad Sugidda,Xoogga Dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mas’uuliyiin Cusubna loo Magacaabay.
Taliyaha Nabad Sugidda Gen Gaafoow ayaa lagu badalay Maxamed C/llaahi Cali (Sanbaloolshe).
Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Gen. Maxamed Aadan Axmed (Buud) waxaa lagu badalay Gen Jimcaale Cardiid
Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale waxaa lagu badalay Guddoomiye Cusub oo la yiraado Taabid Cabdi Maxamed.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: