var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Dayuuradii ugu horeysay ee rakaab ah oo 27 sano ka dib xili habeen ah ka soo degtay Muqdisho

Ilwareed Online

Markii ugu horeysay waxaa 27 sano ka dib waxaa caawa garoonka dayuuradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho ka soo degtay diyaaradii ugu horeysay ee sida rakaab.

Arintan ayaa ka dambeysay ka dib markii ay dhowaan Dowladda Federaalka Soomaaliya shaacisay in adeegyadii uu ku shaqeyn lahaa xiliga habeenkii ah loo dhameystiray garoonka diyaaradaha Aadan Cade.

Diyaaradan oo ah diyaarad rakaab ah oo ay leedahay shirkada diyaaradaha Juba Airways waxay siday dad ka badan boqol ruux kuwaasoo oo u badan xujey waxaana diyaaradan ay abaare 08:00 fiidnimo ee caawa kasoo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saxafiyin tiro badan ayaa caawa ku sugnaa garoonka waxaana tani ay ka dhigan tahay inuu si rasmi ah xiliga habeenkii ah u shaqeynayo garoonka diyaaradaha Muqdisho.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: