var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Dayuurad Dagaal oo Dad Beeraley Ah Ku Leysay Degaan Ka Tirsan Gobolka Sh/hoose

Ilwareed Online

Dayuurad dagaal ayaa xalay duqeyn ka geysatay tuulo u dhow degaanka Bariire ee gobolka Sh/hoose, waxaana soo baxaya warar sheegaya in duqeyntan lagu dilay sagaal qof oo beeraley ah.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in dayuurad yar ay gantaal ku dhufatay goob ay joogeen dad beeraleyda ah halkaasna uu ka dhacay khasaare xoog leh.

“Meydadka dadkii ku dhintay duqeynta waxaa la keenay Muqdisho, waxaana sidoo kale duqeynta ku dhaawacmay laba qof oo kale” ayuu yiri goob jooge ka tirsanaa dadkii halkaas ku sugnaa.

Dayuurada weerarkan geysatay oo ah kuwa loo yaqaano Droneska ayaa loo malaynayaa iney leeyihiin ciidamada Maraykanka inkastoo illaa hadda uusan arintan ka hadlin Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa.

Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwo cadaan ah ayaa todobaadkan degaanka Bariire waxay ka qabsadeeen Al-Shabaab ka dib dagaal culus oo halkaas ka dhacay.

Dhowaan ayey aheyd markii duqeyn tan la mid ah ay dayuuradaha Maraykanku ka geysteen tuulo ku dhow degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Dowladaha Maraykanka iyo Somalia ayaa sheegay iney duqeyntaas ku dileen saraakiil iyo ciidamo ka tirsanaa Al-shabaab hase ahataee waxaa markii dambe soo baxay in dadka la laayey ay ahaayeen shacab hal qoys ka koobnaa oo aan shuqul ku laheyn Al-shabaab.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com

fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: