DANBIILAYAASHII DANBIILAHA U DOODAAYAY

Waxaan maqaal hore ku xusay,goortii dal la burburinaayo waxaa jira qaabab ay u isticmaalaan wadamada horumaray dalalka saboolka ah iyo kuwa soo koraya,qabaabkaa mid kamid ah ayaa ah waxay uugu yeeraan saxaafada xorta ah (waxaad ka daawataa video hoosta yaala). burburkii ka dib dalkeena waxaa jira in gumaysiga shisheeye dalkeena ka dhax samaystay dad cadaw ah oo soomaali ah oo uu uxilsaartay in ay ka hortagaan burburiyaan dawlad kasta oo dalkan soomaaliya ka dhalata. sababtoo ah dano guracan oo gumaystuhu ka leeyahay dalkeena kuwo aynu garanayno iyo kuwo kalaba.

Dadkaa laynagu dhex samaystay waxaa kamid ah Shabakada maafiyada caalamiga ah ee madaxweyne hore Xasan sheekh hogaamiyo,xubnaheeda sarana ay kamid yihiin,fiqi,odawaa,cabdiraxmaan cabdishakuur,mahad salaad,xasan sheekh iyo xubnahan oo kasoo jeeda deegaanada gobolada dhexe oo ah maamulka GALMUDUG.waxaa xusid mudan in ay iyagoo ka faa iidaysanaaya dagaaladii sokeeye iyo dawlad la aantii ay 1991 ku habsadeen gobolka banaadir iyo caasimada MOGDISHO,kana dhigeen meel ka caagan ilbaxnimada iyo dawlad nimada,taasoo ilaa hada ay kawadaan qaraxyo iyo dilal qorshaysan,si ay u muujiyaan in dawlad soomaaliyeed jirin dalkuna yahay iyo Mogdisho meel fawdo ah.

Shabakada maafiyada caalamiga ahi shalay ayay u doodayeen,wasiir si bareer ah MOGDISHO dhexdeeda xabad loola dhacay,in sharciga la horgeeyo ee daysanayaashii faldanbiyeed kaa iyo dhibkaas gaystay. shalay ayay ahayd wariye cawil daahir markay si bareer ah udileen dawladaad la jirtaa,shalay ayay ahayd markay u doodayeen,in saxaafada xorta ahi xaq u leedahay in ay sii dayso raysal wasaarihii dalka khyare waa iscasilay oo aqbalay markii madaxweyne farmaajo usoo jeediyay, warkaa oo ahaa waxaan jirin cadawga iyo shisheeyuhuna uugu tala galay in dalka soomaaliyeed lagu khalkhalgaliyo amaankiisa.

Waraka caynkaas oo kale ahna dalwalbaa dunida waa danbi,laakiin inaga waxaa laynoo soomaray waxan shisheeye samaystay oo ah waxay uugu yeeraan saxaafada xorta ah,oo macnaheedu yahay waxay xor kayihiin in ay hoos yimaadaan wasaarada warfaafinta soomaaliyeed iyo dawlada soomaaliyeedba.

kuwaas ayay daba socdaan oo ay la shaqeeyaan Shabakada maafiyada caalamiga ahi. Waxaan ognahay maalmahan in hanqaadka dawlada soomaaliyeed meel fiican maraayo dhanwalba oo dalkeenu wax badan soo hagaagay. heer waxaan maraynaa sida caalamka dawladaha dhisan in aan imtixaanka dugsiyada dalkeena ka ilaalino qishka iyo in arday aan waxba aqoon layska siiyo shahaadada usaraysa. waa heer fiican in maanta wasaaradeenii waxbarashadu qabqabatay tuug lugooya ubadka soomaaliyeed oo wax walba lacag siisanaya xadaya xataa imtixaankii.

Wasiir Goodax oo ah masuul wadani ah yaqana shaqadiisa ayaa gacan bir ah ku qabtay kana hortagay doqonimadaas iyo cadawnimadaas iyo iimaan la aantaas lagu ciryaamiyay ardaydii soomaaliyeed. waalid walba iyo arday walba ayaa dan ay u tahay in uu ku gudbo imtixaanka aqoontiisa oo uu isku kalsoonaado,si bari uusan uugu dhibtoon jaamacaadka sida dhacdayba. hadaba waxaa dhacday in kuwan lagu sheego wariyayaasha iyo saxaafada xorta ah ee u shaqeeya shisheeyaha kuna xiran oo ay hawlgaliyaan shabakada maafiyada caalamiga ahi,ayaa marlabaad sidii hore ay usameeyeen oo kale isku dayay in ay khal khal galiyaan imtixaanka oo wuxuu soo gaaliyay saxaafada imtixaankii oo been ah isla kii hore uun ah ee la baajiyay,isagoo uuga jeeda fulin amarkii ay soo siiyeen shabakada maafiyada caalamiga ah ee u shaqaysa dawladaha shisheeye.

Danbiiluhu Cali Aadan Muumin wuxuu mustaqbalkooda hor istaagay oo ku cayaaray 35000 oo arday oo soomaaliyeed. sharciguna waxaa weeye in la toogto ama xabsi abadan lagaliyo. kii dalkeena sidaa u khaa imaya ee u burburinaaya waxaa u doodaya maanta xasan sheekh,odawaa,fiqi,cabdishakuur,iyo mahad salaad!!!!

Waa iska cadahay waa shabakadii uun waxan awalba kashaqaysay. Waxaana haboon sida aduunyadaba ka jirta in la xakameeyo saxaafada oo ay leedahay tafa tire iyo meel laga xukumo,doorkaana waxaa iska leh wasaarada warfaafinta soomaaliyeed.Laakiin wixii amaanka khal khal galinaaya ciidamada dabagalka ee nabad sugida soomaaliyeed ayaa shaqo ku leh iyo hay adaha amaanka qaabilsan.

Nin xubin baarlamaan ah oo danbiile daba socda ma dhacdo dunida,waajibna weeye in xubnahaas kuwooda katirsan baarlamaanka iyo hay adaha dawlada lagu sameeyo dabagal lana sii waydiiyo waxa ka dhaxeeye iyaga iyo Cali Aadan Muumin oo ah nin lagu haayo arimo kicin dadweyne ah iyadoo loo soomaraayo ardayda.cadawgu waa dil iyo weerar maha in dawladu gacmaha laabato, oo danbiilaha daajiso. aduunka lama maqal lamana arag dal leh nabad iyo kala danbayn buuxda oo aan danbiilaha ku fulin laba mid uun dil ama xabsi daa in.

Waxaadunida dal ka jira ufiirsada,maraykan nin ka hor imankara nidaamka iyo amaanka dalka majiro waa dil iyo xabsi daa in,Ruushka waad aragtaan markii danbiilihii lasifeeyay ee nabad sugudu sifaysay,dil iyo xabsi daa in,kadib ayuu helay nabadaas,sucuudiga fiiri,ethiopia eeg,masar eeg,majiro dal danbiiluhu dawlad diidka ahi iska dhex fadhiyo siduu doonana sameeyo waliba. dal waxuu dawlad yahay markii danbiilaha laga qabto oo la sugo.

Dawladnimada in loo dhintay rabtaa,dadka hadaan la sugin xoolaha waxba ma dhaamo sharcigaa celiya iyo gacan bir ah oo kaliya.horaan u sheegay waxaa hurdo dheer ku jira ciidamada sirdoonka soomaaliyeed NISA.inkastoo aan NISA ku bogaadinaayo ina qiraayo in ay sugeen kuna raad joogaan shabaab hadana ku raad joogaan dadka la shaqeeya ee is qarinaaya,hadana saas oo ay tahay lagama cabsado sharkooda wali.Maxaa yeelay nabad sugida waa in qofka la waayaa jaan iyo cirib meel u dhigay taasa ah nabad sugid walina mahayno. eeg nabad galyada shacabka iyo qaranka oo ah dalkoo dhan ayaa kawayn koox yaroo danbiilayaal ah sidaa daraadeed eeg sida looga cabsado nabad sugida maraykanka,tan ruushka,tan yuhuuda,tan iiraan,tan turkiga,tan sucuudiga,tan Ethiopia, suaashu waxaa weeye teenii soomaaliyeed maxaa ku dhacay!!?

Wariyaan ahay,waxaan rabaan sheegaa dalkaan duminaa,xildhibaan baan ahay waxaan rabaan sheegaa dalkaan duminaa dadkaan kicinaa,meel aduunka ay ka jirto majirto dawladnimaduna sidaa maha.jaajuus baan ahay dawlado kalaan u shaqeeyaa cid ila hadli karaysana maleh suuro galmaha. waan ku celinayaa wali NISA ha qabsato shaqadeeda.

https://www.youtube.com/watch?v=JgeGuvscfrE