Dagaal xalay Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab ku dhexmaray Deegaanka Bariire.

Maleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar waxaa ay ku qaadeen Deegaanka Bariire ee Gobolka Sh/Hoose, iyaga oo labo jiho ka soo weeraray.

Ciidanka Xoogga Dalka ee Bariire ku sugan ayaa la sheegay in ay iska difaaceen weerarkii ay ku soo qaadeen xubnaha ka tirsan Al-Shabaab.

Gen. Odawaa Yuusuf Raage Taliyaha Ciidanka lugta oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in 14 kamid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku dileen deegaanka Bariire, isagoona xusay meydadka Al-Shabaab ay yaalaan Deegaankaasi.

Taliyaha ayaa sheegay inay weerar ku qaadi doonaan Tuulooyinka ka agdhow deegaanka Bariire oo ay joogaan xubnaha ka tirsan Al-Shabaab.

Dhanka kale Deegaanka Bariire ayaa dhawaan waxaa Al Shabaab kala wareegay Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Danab kuwaas oo halkaas ka sameeyey howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline