var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Dagaal uu Dhiig Badan ku Daatay oo Dib uga Bilowday Xeraale *Dhageyso*

Ilwareed Online

Dagaalo culus oo shalay gelinkii dambe iyo Xalay Qarxay degaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud, kuwaasoo dhexmaraya ciidamo taabacsan Ahlu suna iyo Maleeshiyo Beeleed kasoo Jeeda deegaanka, Wuxuuna dagaalkan daba socdaaa dagaalo todobaadyo ka hor labada dhinac halkaas ku dhexmaray.

Ugu yaraan toban ruux ayaa ku dhintay dagaalka, halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen sida ay sheegayaan warar laga helayo degaanka, waxaana jira barakac ay sameeyeen qoysas halkaas ku noolaa oo ka baxsanaya colaada halkaas ka aloosan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maleeshiyada degaanka ay la wareegeen inta badan goobihii ay joogeen xoogaga ahlu sunna waxaana saaka degan xaalada inkastoo rasaas goos goos ah laga maqlayo duleedka Xeraale. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Maamulka Galmudug Mursal Cabdiraxmaan Axmed ayaa sheegay in haatan deegaanka Xeraale uu weli dagaalka ka socdo,islamarkaana ay ku lug leeyihiin Ciidamada Ahlusuna Wal-Jamaaca.

Waxa uu sheegay in dagaaladaas laga soo abaabulay deegaanada ay Ahlusuna Wal-jamaaca Gacanta ku hayaan,islamarkaana ilaa 20 Gaadiidka dagaalka ah ay ka joogaan deegaanka Xeraale sida uu hadalka u dhigay.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments are closed.