Ilwareed Online
Daily News and entertainment from East Africa stay connected and get up-to-date news and events | @ilwareed | @ilwareedonline.

Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay G/ Bakool

Ilwareed Online –

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay duleedka magaalada Xudur oo ee xarunta gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Ciidamada milatariga Soomaaliya ay weerar ku qaadeen deegaanka Dumaale oo qiyaas ahaan 35 KM u jira magaaladaasi.

Waxaana la sheegay in halkaaasi uu ka dhacay dagaal foolka fool ah oo la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macallin Axmed oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen illaa 10 dagaalyahan oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab.



Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline

Download ilwareed App from Google Play Store. Ilwareed App
Comments
Wuu socdaa sug...