Ilwareed Online
Daily News and entertainment from East Africa stay connected and get up-to-date news and events | @ilwareed | @ilwareedonline.

Dagaal ka dhex bilowday Al-Shabaab iyo dadka Deegaanka Wamooley ee G/Galgaduud .

Ilwareed Online –

Wararka laga helaayo deegaanka War-mooley oo u dhaxeeya Degmada Ceelbuur iyo Magaalada Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya Al-Shabaab iyo dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu salka ku haayo labo arin oo kala ah, tababar la sheegay in ay Al-shabaab doonayaan in loo sameeyo odayaasha iyo dadka da’da ah si ay uga qayb qaataan dagaalada shabaab iyo dilka Lobo qof oo shacab ah oo ay Shabaab fuliyeen.

Ilo wareedyo laga helaayo deegaankaasi ayaa sheegaya in Dagaalkaasi uu sababay dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray,iyadoo Degmada Guricayl la soo gaarsiiyay dhaawaca 2 qof oo shacab ah tiro dhimasho ahna ay jirto Shabaaab iyo dadka deegaanka soo kala gaaray.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa kordhiyay cadaadiska ay ku hayaan dadka ku nool gobalada dhexe ee Soomaaliya, mudooyinkii la soo dhaafay, iyadoo goobihii lagu dagaalamay ayaa hada degan, iyadoo Tuulada War-mooley 50 KM u jirto magaalada Dhuusamareeb.



Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline

Download ilwareed App from Google Play Store. Ilwareed App
Comments
Wuu socdaa sug...