var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Dagaal beeleed qasaare geystay oo ka dhacay tuulooyin ka tirsan degmada Balcad

Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in dagaal beeleed xoogan uu ka dhacay tuulooyin degmadaasi hoos taga.

Dagaalka oo u dhaxeeya beeraley iyo xoolo dhaqato ayaa la sheegayaa in lagu gubay in ka badan Kun Guri oo ay lahaayeen qoysas beeraley ah, iyadoo dadkii degenaa tuuladaasi ay isaga barakaceen guryahooda.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle ayaa bilaabay dadaallo lagu hakinayo xiisad u dhaxeysa beelo wada degan tuulooyinka uu dagaalka ka dhacay kaasi oo sida la sheegayo markii hore ka bilowday xoolo ay gowraceen dad ay beerahooda ka cuneen.

Dhinaca kale dhinacyada dagaalamay ayaa iyaguna bilaabay abaabul ay qolo kastaba isaga difaaceyso duulaan lagu soo qaado, waxaana ka mid ah tuulooyinka lagu dagaalamay Jameeco Misra iyo tuulo kale oo u dhow.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: