var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Dad Careesan oo Dusha Sare Ka Fuulay Gaari Ay Lahaayeen AMISOM

Ilwareed Online

Waxaa maanta qeybo kamid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan Laamiga Maka Al Mukamara ka dhacay banaan bax ay dhigayeen darawalada iyo Milkiilayaasha Mooto Bajaajta, oo ka careesnaa in loo diiday marista qaar kamid ah Wadooyinka Muqdisho.

Dadka banaan baxa dhigayay ayaa dhagxaan ku tuurayay Gaadiidka ciidanka dowlada iyo gaadiidka kale, waxa ayna in mudo ah xireen qeybo kamid ah Laamiga Maka Al Mukarama oo ah laamiga ugu mashquulka badan ee Muqdisho.

Intii banaan baxa socday ayaa gaari ay lahaayeen ciidamada AMISOM oo yaalay Laamiga Maka Al Mukarama gaar ahaan meel u dhaw Isgooska KM-4 waxaa ku yaacay oo dusha sarana ka fuulayy qaar kamid ah dadkii banaan baxa dhigayay.

Gaarigan oo la sheegay in cilad ku timid ayey ciidamada AMISOM uga tageen goobtaasi kadib markii ay kusoo dhawaadeen banaan baxayaasha, waxaana gaariga AMISOM la sheegay in boob lagula kacay oo laga qaatay alaabo saarnaa.

Ciidamada dowlada ayaa la sheegay in markii dambe rasaas u adeegsadeen dadkii banaan baxa rabshadaha watay ka dhigayay Laamiga Maka Al Mukarama gaar ahaan Isgooska KM-4, waxaana rasaasta la furay la sheegay in waxyeelo kasoo gaartay qaar kamid ah dadkii banaan baxa dhigayay.

Xaalada Laamiga Maka Al Mukarama ayaa hada caadi kusoo laabatay, waxaana halkaasi ku kala tagay dadkii banaan baxa dhigayay oo Masuuliyiin la hadashay ku qanciyeen in arintooda la xalinyo lana tix galin doono cabashooda.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: