var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Dab Khasaaro xoogan geestay oo ka kacay Madaraso Islaami ah oo kutaala dalka Malaysia

Ilwareed Online

Dab xoogan oo dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa saakay qabsaday Madaraso Islaami ah oo kutaala magaalada Kuala Lumper ee caasimada dalka Malaysia.

Xaruntan Islaamiga ah oo caruurta lagu baro Xifdiga Quraanka Kariimka iyo culuumta kale ee Islaamiga ayaa dab xoogan qabsaday , waxaana ku dhintay in la xaqiijiyay 25-qof oo u badnaa ardayda Madarasadaasi.

Khirudin Drahman, oo ah agaasimaha waaxda dab damiska iyo samatabixinta ayaa u sheegay in musiibada dabkan ay ku dhinteen 23-arday iyo labo waardiye sidoo kale ay ku dhaawacmeen 7-qof oo kale, waxa uuna intaa raaciyay in tiro kale lasoo bad baadiyay.

Booliiska ayaa baaritaan ku sameenaya waxa dhaliyay dabkan khasaaraha xoogan geestay, waxaana xarunta Madarasa dabku ka kacay ay aheyd goob xanaano oo kala ah ay jiifsadaan caruurta wax lagu baro.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments are closed.