var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Daawo: Socdaalka Dhoobley ee MW Uhuru Kenyata dowlada Somalia maka warhaysaa

0

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata oo sheegay in uu siyaara ugu tegay Ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya, Dhoobley.

Waxaasa cajiib ah in dalkeena uunan lahayn albaab la soo garaaco iyo cid albaabkaas ka furto marti aan lahayn cid ay kala tashtaan goormey noo soo martinayaan.

MW Farmajo arrimahan hadii uunan si dhaqsiya uga hortegin, waxay noqonayaan jaantaa go’an iyo in la waayo daba la soo qabto shisheeyaha iska soo galo waddankeena dastuur la’aan, afarta sano wuxuu ku dhameysanayaa hirig hirig, xal uu la yimaada iska dhaafe.

Fikradii Abdullahi Moalin (Siyaasi)

MUS-DULEELA: Dowlada cusub oo laba bil dhameysan ayuu Uhuru Kenyyata bilaabay inuu dhulka Soomaaliya wargelin la’aan ku yimaado. Dowladana ma maqal wax ka hadlay arrintaasi bixineysa muuqaalka ay Kenya ka joogto ixtiraamka dowladnimadeena. Haddana waxa uu u yimid waa arrin ciidan, ee ma ahan booqasho caadi ah.

Hadalkii Farmaajo ee uu caleema saarkiisa kula hadlayey deriska malaha Uhuru looma tarjumin, kaasi oo ahaa ” Xushmad iyo faragelin la’aan ayaan ka rabnaa dowladaha deriska, annagana taasi ayaan ula diyaar nahay” , waxaaba ka dhashay ka dar oo dibi-dhal.

Haddii ay dowlada Soomaaliya ogtahayna waxaa meesha uu Kenyyata tegayo loogu diyaarin lahaa madax Soomaalida ka socota oo wax ka ogaata socdaalkiisa iyo waxa uu ciidanka kala hadlayo, maxaa yeelay howsha ay u joogaan waa mid quseysa Soomaalidee. Haddase wax Soomaali ah Uhuru lama socon, taasi oo ka dhigan ” Dhoobleey waa ii Mambaasa oo kale” .

Waa markii ugu horeysay taariikhda ay dhacdo inuu Madaxweyne dowlad kale uu taago ka mid ah Soomaaliya iska soo galo, iyaddoo uusan ogolaansho ka heysan dowladeena. Haddana kuma sii jirto deriska ku xeeran dalkeena.

Haddii aysan dowladeena ka jawaabin arrintan, waxaan sugnaa waa iyadda oo uu Ra’iisul wasaaraha Itoobiyana uu gobolka uu doono ka dego Soomaaliya, waliba uu ciidan uu leeyahay kula galo qorsheyaal u gaar ah. BAL ADBA!!!.

Fikradii Abdiwali Ibrahim Garyare

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.