var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Daawo MD Jubbaland oo khudbad xiisad leh ka jeediyey kalfadhigii 2aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka u jooga ka qayb galka shirka arrimaha ammaanka dalka ayaa maanta ka qayb galay furitaanka kal fadhigii labaad ee gollaha shacabka Soomaaliya.

Waxaa uu Madaxweynaha u mahad naqay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo madaxda ka qayb galeysay shirka amniga ku casumay in ay kalfadhiga Baarlamanka ka qayb galaan.

Shirka amniga Qaranka ee ka socda Muqdisho ayuu sheegay Madaxweynaha Dowalad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland in si midnimo ku jirto ay u wada qaateen madaxda dalka arrimo badan oo ay ka wada hadleen, iyadoo uu si guul ah la iskula qaatay arrimaha laga wada hadlay.

Golaha Shacabka ayuu madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ula hadlay si qoto dheer, isagoo sheegay in looga fadhiyo in dalkan ay gaarsiiyaan doorasho qof iyo cod ah.

Hoos ka daawo hadalka madaxweynaha uu ka jeediyay Gollaha Shacabka Qaranka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.