var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Daawo: Maxaad ka taqaan xaafadda Chelsea ee ajaanibtu ka dhisteen Muqdisho oo qof soomaali ah geli karin?

0

Dhismooyin gaagaaban oo laga dhisay xeyndaabka taliska AMISOM ee Xalane ayaa waxaa loogu magac daray Chelsea Village, taasoo ay degan yihiin shaqaalaha reer galbeedka iyo sirdoonkooda ee u jooga Somalia arrimo aan laga war cabin, waxaana adag in qof Soomaali ah uu cagta dhigo, iska daayee madaxda Soomaalida oo ay ku adag tahay inay si fudud ku galaan.

Dhismooyin gaagaaban oo laga dhisay xeyndaabka taliska AMISOM ee Xalane ayaa waxaa loogu magac daray Chelsea Village, taasoo ay degan yihiin shaqaalaha reer galbeedka iyo sirdoonkooda ee u jooga Somalia arrimo aan laga war qabin.

Xaafadda Chelsea ayaa guryaha ka dhisan ay yihiin kuwo gaagaaban oo laga sameeyay kunteenaro iyo alwaax, lehna adeeg walba, waxaana habeenkii lagu jiiftaa lacag ka badan $300.

Sida lagu galo ayaa adag Chelsea Village, loomana ogola in ay galaan dadka Soomaalida xitaa mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Shirked caddaan ay leeyihiin ayaa mashruucaan ka hirgelisay gudaha xarunta AMISOM, waxaana suuragal ah in madaxda shacabka Soomaaliyeed madasha inaysan ka war qabin howsha ka socota Chelsea Village.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.