var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Daawo: Beesha Habargidir oo Balan Ku Gashay inay Badbaadiyaan Askarigii Dilay Wasiir Siraaj

Ilwareed Online –

Kullan ballaadhan oo waxgaradka beesha Habar Gidir ay ku yeelatay magaalada Muqdisho ayey kaga soo horjeesatay xukunkii lagu riday askarigii ka danbeeyay dilkii wasiirka howlaha guud ee Somalia Cabaas Maxamed Siraaji.

Askarigaan oo lagu magacaabo Axmed C/llaahi Cabdi “Caydid” ayaa maxkamadda darajada koowaad ay ku xukuntay dil toogasho ah, markii ay ku caddaaday dilka wasiir Siraaji.

Waxgaradka beesha Habar Gidir ayaa kulankooda ku muujiyay sida ay ugu soo horjeedaan xukunka gacan ku dhiiglaha dilka geystay, waxayna sheegeen in caddaalad daro ay tahay arrintaasi isla markaana la siyaasadeeyay arinta dilka.

Waxay ku doodeen in falkaasi uu ahaa mid si kam ku yimid, diyaarna u yihiin inay la xaajoodaan qoyska uu ka dhintay wasiirka, taasi oo haddii ay ka dhaadhiciyaan inay aqbalaan diyo badbaadin karta askariga.

Waxay sheegeen in la isku diiday in qoyska uu ka dhintay wasiir Cabaas iyo beesha Habar Gidir in arrintaan ay ka xaajoodaan, arrintana gacmo kale ay ku jiraan oo la siyaasadeeyay, waxayna ugu baaqeen madaxweynaha in arrintaan faraha lasoo galo.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : Ilwareed Online

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: