var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Daacish oo Sheegatay In Sarkaal Nabad Sugid ah Ku dileen Soomaaliya.

0

Kooxda Daacish ayaa sheegatay in Sarkaal Nabad Sugid ah ay ku dileen Soomaaliya Gaar ahaan Magaalada Muqdisho, sida ay Shaacisay Wakaalada Wararka u Faafisa Ee Loo Yaqaano Amaq.


Qoraal kooban oo la soo geliyay baraha Internet-ka ee kooxdan ayaa lagu sheegay in sarkaal ka mid ah Nabad sugida ku dileen degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Ma jirto warar ka madax banaan sheegashada Daacish oo xaqiijinaya dilkan oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya iyo dhinacyada kale,
Kooxda ISIS ayaa horay u sheegtay inay ka howl gasho Soomaaliya, waxaana sanadkii hore ay sheegteen qarax ka dhacay duleedka Muqdisho oo lala beegsaday Kolonyo ay la socdeen Ciidanka AMISOM.

Dhanka kale kale sanadkii hore ayaa ciidamo uu hoggaaminayo Sheekh C/qaadir Muumin oo ka tirsanaa Al-Shabaab, waxay shaaca ka qaadeen inay la midoobeen Daacish, iyagoo markii u horeysay qabsaday degmada Qandala ee Gobolka Bari ee Puntland.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.