var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

C/wali Gaas “Waxaan rajeynayaa in Heshiiska Dekeda Boosaaso aan guul ka gaarno”

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay u ambabaxay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, halkaasoo lagu dhameystiri doono Heshiiska Dekeda Boosaaso oo lala galayo Shirkadda DP World.

C/wali Gaas ayaa warbaahinta u sheegay in arrimaha uu u baxayo ay ka mid tahay dhameystirka heshiiskaas, isla markaana ku rajo weyn yahay inuu guul ku soo dhamaado.

“Heshiiskii Dekeda Boosaaso oo muddo soo socday, ballaarinteeda iyo casriyeynteeda ayaa u soconaa, Heshiiskaas waxaa uu marayaa gabo gabo, waxaa rajeyneynaa inuu guul ku soo dhamaado”ayuu yiri C/wali Gaas.

Waxaa uu sheegay in hadii ay u arkaan inay tahay mid maslaxad dadka iyo dalka ay ku jirto ay heshiiskaas la galayaan dowladda isu tagga Imaaraadka Carabta, si kaabayaashooda dhaqaale u ballaariyaan.

Puntland ayaa hada mareysa wadadii ay martay Somaliland, oo horay heshiis ula galeen Imaaraadka Carabta oo shirkad laga leeyahay lagu wareejiyay Dekeda Berbera, iyo saldhig Milateri oo laga dhisayo isla Berbera.

Dekedaha ku yaala dalka ayaa waxaa gacanta ku haya shirkado shisheeye, iyadoo Dekeda Muqdisho ay maamulaan shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo sanado ka hor lagu wareejiyay.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: