var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Culimaa’udiin Soomaaliyeed oo isku raacay inuu Diinta Islaamka ka baxay nin u gafay Nabigeena Muxamed (CSW).

Ilwareed Online

Warsaxaafadeed ka soo baxay Culimada K/Gaalkacyo ayaa lagu sheegay in ninka lagu magacaabo Magacaabo C/wali Sheekh Cali Cilmi Yare uu u gafay Nabigeena Muxamed CSW, islamarkaana uu yahay Nin ka baxay Diinta Islaamka.

Culimada ayaa si kulul u Cambaareeyay Falkaasi Foosha Xun oo ku dhqaaqay nin ku dhaqan Koofurta Gaalkacyo oo lagu Magacaabo C/wali Sheekh Cali Cilmi Yare, kaasi oo soo bandhigay Sawir uu ku sheegay inuu yahay Nabigeena Muxamad (NNKH).

Warsaxaafadeedka Culimada soo saartay ayaa magacyadooda waxaa ka mid ahaa Sheekh Bashiir Axmed Saalad ,Sheekh Nuur Baaruud Gurxan,Sheekh Yuusuf Cali Caynte,Sheekh C/qaadir Sheekh Maxamed Soomow,Sheekh Cali Wajiis iyo Culimo kale oo aad u badan,waxaana Dhamaantood ay sheegeen in lagu jiro Aakhiru Saman islamarkaana Dagaal lagu wado Diinta Islaamka, waxaana ay sheegeen inay jiraan dad badan oo loo soo diray Soomaaliya si ay ummadda u baadiyeeyeen.

Dhanka kale Culimada ayaa ugu baaqay Maamulka Galmudug inay Sharciga horkeenaan Ninkaan u Gafay Nabigeena Muxamed Naxariis iyo Nabad Gelyo Korkiisa ha ahaatee, waana markii ugu horaysay oo lagu arko nin sheegtay inuu yahay Nabi Muxamad CSW, waxayna dadka Soomaaliyeed si aad ah ula yaabeen arrintaasi.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: