var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Ciyaaryahan Maraykan ah oo si adag uga hadlay abaaraha ka jira Soomaaliya.

Ciyaaryahan u dhashay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Colin Kaepernick kana mid ah Ciyaartoyda ugu Caansan dalkaasiayaa Muuqaal uu soo dhigay bartiisa Twiterka wuxuu si naxariis leh uga hadlay abaaraha ka jira Geeska afrika gaar ahaan Soomaaliya, isagoo bulshada Caalamka ugu baaqay inay si degdeg ah u Caawiyaan dadka Soomaaliyeed ay abaartu saameysay,si la mid ah tallaabada ay qaaday diyaaradda Turkish Airline oo gargaar gaarsiin doonta Soomaaliya.
“Waxaa dhimanaya Shacbka Soomaaliyeed, waxay hadda u baahan yihiin caawin, Macluusha waxay saameysay 6.2 Milyan oo Qof 2.9 Milyan oo ka mid ah Dadkaasi ayaa hadda u baahan gargaar degdeg ah, waan awoodnaa inaan caawino Dadkaasi, marka waa inaan caawinaa, Turkish Airline ayaa qaaday Tallaabo ay uga qeyb qaadaneyso gurmadka, iyada oo geyneysa Soomaaliya cunto iyo biyo , innaga waan ka qeyb qaadan karnaa inaga oo isticmaaleyna baraha bulshada sida kuwa muuqaalada gudbiya” ayuu yiri Ciyaaryan Colin Kaepernick.
Dhanka kale markii ay soo shaac baxday abaarajha ka jira dalka ayaa guud haan waxaa arrintaan si isku mid ah uga hadlay Caalamka oo dhami, iyadoo dowladaha qaar ay balan qaadeen inay caawimaad deg deg ah la soo gaari doonan dadka Soomaaliyeed ay abaartu saameysay.

92966124

 

AKHRISO  Ha’yadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo xafiiska ka furatay Jowhar

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: