var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Ciraaq oo Soomaaliya kala talinaysa dagaalka Shabaab

0

Ilwareed Online –

Safiirka Dowladda Ciraaq ee Kenya Dr Zai Nuur,ayaa Warbaahinta u sheegay in dowladda Ciraaq ay diyaarisay Qorshayaal xeeladeysan oo ku aadan dagaalka lagu jira Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay Sanado badan dagaal kula jiraan Al-Shabaab , islamarkaana hadda aysan muuqan guulo waa weyn.

Dr Zai Nuur ayaa xusay in Dowladda Ciraaq ay ka guuleysatay Daacish iyada oo martay sida ugu wanaagsan uguna khasaaraha yar.

Safiirka ayaa soo jeediyay in ay muhiim tahay in Al-Shabaab laga jaro ilaha dhaqaalaha iyo sidoo kale meelaha ay hubka ka helaan.

Dowladda Ciraaq ayuu sheegay in dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ay ku caawin doonto Qorshihii dowladda Ciraaq ay kooxda Daacish kaga qabsaday Magaalada Mosul.

Dr Zai Nuur ayaa tilmaamay in ay dag tahay in dowladda Soomaaliya ay ka adkaato Al-Shabaab inta ay lacag helayaan.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : Ilwareed Online

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.