var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Ciidamo Mareykan iyo Soomaali oo xalay weeraray Saldhiga Al-shabaab Sh/hoose

Gudoomiyaha Degmada Baraawe Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose Xuseen Barre Jeex ayaa KNN u xaqiijiyay in xalay weerar qorsheysan ay Ciidanka Gaarka ah ee Soomaaliya (DANAB) iyo kuwa Mareykanka ku qaadeen Saldhigga ugu weyn ee Al-shabaab ku leeyihiin Gobalka Shabeelaha Hoose qasaaro kala duwana la gaarsiiyay.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in aysan ogeen inta uu la egyahay qasaaraha balse uu jiro weerarkaasi oo xalay saqdii dhexe laga fuliyay deegaanka Kuunya Barow oo hoos yimaada Degmadaasi.

Al-shabaab ayaa la sheegaa in ay Saldhig weyn ku leeyihiin Deegaankaasi waana xarunta Taliska Al-shabaab ee Shabeelaha Hoose.

Ciidanka sida gaarka u tababaran ee Soomaaliya ayaa dhowr jeer weeraray Xarumaha Al-shabaab ee Deegaankaasi waxaana weerarkii ugu danbeeyay duqeyn ahaa lagu dilay Taliyihii Al-shabaab ee Deegaanada Puntland sida ay shaacisay Dowladda Mareykanka.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: