var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Ciidamo ka socda dal Afrikaan ah oo Muqdisho ka degay + Sawirro

Ilwareed Online

Ciidamo hor leh oo ka socda dalka Burundi ayaa kasoo degay garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho axadii shalay. ciidamadaan cusub ayaa u bilaabatay hal sano oo ay ku gudanayaan waajibaadkooda nabad-ilaalineed ee Soomaaliya iyaga oo qayb ka ah ciidamada AMISOM.

Guutada 45-aad ee ciidamada difaaca Burundi, oo uu hoggaaminayo Gaashaanle Sare Philbert Hatungimana ayaa waxay beddeleen guutada 39-aad oo uu soo idlaaday waajibaadkooda nabad-ilaalineed muddadaasi oo ay qeyb ka qaateen dagaalo lagu xaqiijinaayo dib u soo celinta nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

“Rajadayda howlgalkan waxaan ka qeyb qaadan doonaa soo celinta nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya si dadka Soomaaliyeed mar kale u hantaan nabadda wadankooda,” ayuu sheegay.

Lt. Col. Hatungimana ayaa sheegay in guutadan cusub loo daabuli doono magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeele isla markaana si dhow ula shaqeyn doonaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments are closed.