var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Ciidamo hubeysan oo la wareegay Dawladii hoose ee Waqooyiga Galkacyo

Ciidamo Gadoodsan oo ka cabanaya Mushahar la’aan ayaa la wareegay gacan ku haynta xarunta Maaliyadda Puntland ku leedahay Galkacyo iyo xarunta dawladda hoose.

Goob jooge la hadlay Warbaahinta Wardoon.net , ayaa u xaqiijiyay in ciidamadu qabsadeen xarumahaas iyagoo sheegay inay ka maqan tahay xuquuq isugu jirta mushahar iyo gunnooyin ku maqan dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdiwali Gaas oo hadda culays ka saaran yahay Garowe.

Ciidamadan ayaa dhawaan qabsaday xarunta Bankiga Galkacyo, waxayse markii dambe uga tageen wada-hadal iyo ballan qaad ku aadan inay heli doonaan xaqooda.

Arrintan ayaase timid markii shalay hogaanka ciidanka daraawiishta Puntland, ay sheegeen inay ka maqan tahay xuquuq dhan 30 bilood, waxayna sheegeen in ciidamada gobollada Nugal, Cayn iyo Sool ay yihiin kuwa mudadaas aan mushaharka helin.

Tallaabadan ayaa loo aanaynayaa inay timid markii Barlamanka Puntland iyo dowladduba ka jawaabi waayeen cabashada ciidamada iyagoo aad u dhibaateenayna shacabka.

Waxaa sidoo kale qabsashada xarunta Maaliyadda iyo dawladda hoose lasoo sheegayaa inay timid kadid markii wasiirka wasaaraddaas uu sheegay inaysan jirin xaq ku baaqday dowladda oo aysanba jirin ciidamo Sool iyo Cayn ah oo ka diiwaan gashan wasaaradiisa.

Balse Taliyaasha ciidamada oo arrintaas ka hadlayay ayaa ku tilmaamay iska hor keen ku aadan ciidamada iyo hogaankooda, waxayna xuseen inay jirin wax mushahar iyo gunnooyin ah oo heleen muddo Labo Sano iyo Sideed Bilood.

Tan iyo markii Madaxweyne Gaas qabtay talada Puntland, waxaa sare u kacayay cabashada ciidamada iyo shaqaalaha dowladda kadib markii dowladdu bixin weyday mushaharka ciidamada oo ku shaqeeya marxalad adag.

Madaxweyne Gaas ayaa loolan adag kala kulmaya siyaasiyiin ku hungoobay Muqdisho, doorshadii aqalka sare iyo xukuumadii hore ee Puntland.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: