var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Ciidamo hor leh oo Amisom ayaa maalintii sadexaad ka soo degaya

Ilwareed Online

Garoonka diyaaradaha ee Aadan cadde ee magaaladda Muqdisho waxaaa maalintii sadexaad soo cago-dhigatay diyaarad siday ciidamo cusub oo kamid ah ciidanka wadanka Burundi (BNDF) oo hal sano oo shaqo ah ay uga bilaabanayso Soomaaliya ayagoo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaliya AMISOM.

Guutadii 45 aad oo ciidanka Burundi kamid ah isla markaana uu hoggaaminayo Lt. Col. Philbert Hatungimana, ayaa ka soo degay garoonka Muqdisho, waxayna bedeli doonaan guutooyinka 39 aad oo shaqadooda dhameystay.

Col. Hatungimana ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan nabadda iyo xasilinta koonfurta wadanka Soomaaliya, halkaasi oo ciidamadu Midowga afrika oo taageeraya ciidamadda Soomaaliya ay dagaal adag kula jiraan ururka Al-shabaab oo qayb ka mid ah koonfurta Soomaaliya maamula.

“Rajadayda howlgalkan waxaan ka qeyb qaadan doonaa soo celinta nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya si dadka Soomaaliyeed mar kale u hantaan nabadda wadankooda,” ayuu sheegay.

Wuxuu xusey in guutadan cusub ay ka howlgali doonto,loona daabuli doono magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeele isla markaana si dhow ula shaqeyn doonaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Burundi ayaa ah dalka labaad ee ugu badan ciidanka howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM marka laga soo tago dalka Uganda, waxaana wadamada kale ee ciidanka ku deeqay kamid ah Kenya, Ethiopia, Djibouti iyo kuwo kale.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: