var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Ciidamo Ethiopian ah oo xiray Masuuliyiin Maamulka Deegaanka Goof Gaduud ka tirsan.

0

Ciidamada Ethiopia ayaa Xabsiga dhigay Guddoomiyaha Deegaanka Goof Gaduud ee Gobolka Baay oo Magaciisa lagu soo koobay Xasan iyo ku xigeenkiisa cabdiqaadir Aadan Nageeye.

Masuuliyiintaan ayaa Ciidamada Ethiopia waxa ay ku eedeeyeen in ay lunsadeen Deeq Dawo ah oo loogu dhiibay Dadka Cudurrada Abaaruhu sababeen ku saameeyeen Deegaankaasi Goof Gaduud.

Wararka ayaa intaasi ku daray in loo qaaday Masuuliyiintaasi la xir xiray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Waxaana haatan soconeysa baaritaanno ku aadan Deeqaha ay lunsadeen Masuuliyiintaasi.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.