var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Ciidamo AMISOM iyo Soomaali ah oo Miino loo dhigay ku dhintay degaanka Hoosingoow ee G/J/hoose

0

Wararka ka imaanaya degaanka Hoosingoow ee Gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in ugu yaraan 9-Askari oo Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM kala ah inay ku dhinteen Deegaankaasi, kadib markii ay la qaraxday miino loo dhigay.


Ciidanka isbaheysanaya ayaa ku sii jeeday howlgal ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana loo aasay Mino halkaas oo ay ku dhinteen 9-Askari.
Ciidamada dhintay ayaa 4 ka mid ah waxay yihiin Soomaali halka inta soo hartay oo gaareysa 5 Askari ay yihiin Ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee degaannada Jubbaland.
Dhanka kale Sarkaal ka tirsan Ciidamadaasi islamarkaana isaga ka badbaaday Qaraxa ayaa Idaacadda Mustaqbal u sheegay in xilliga qaraxa uu dhacayay ay u socdeen howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo ay doonayeen inay ka fuliyaan Gobolka J/hoose.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.