Ciidammada ammaanka oo gacanta ku dhigay wadihii gaari ku qarxay KM4

Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay Wadihii gaari ku qarxay maanta agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho.

Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed, ayaa sheegtay in ay Ciidamada ammaanku ku guleeysteen in ay Gacanta ku soo dhigaan wadihii Gaariga isaga oo aan geysan wax qasaara ah.

“Waxaa agagaarka KM4 ku qarxay gaari noociisa yahay Toyota NOHA oo qalin ah, ciidamada amniga ayaa ku guleeystay in ay gacanta ku soo dhigaan wadihii gaarigaas wax qasaarana ma uusan geysan qaraxaas”. ayay tiri Taliye Zakia Xuseen Axmed





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline