var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Ciidamadda Amisom ee Baraawe oo arin aan laga fileynin sameysay

0

Ciidamada midowga Afrika ee Amisom ayaa diiday iney ka qeyb galaan dagaaladda ka dhanka ah AlShabaab ee ka socda gobolka Sh/hoose gaar ahaan magaaladda Baraawe.
ALShabaab ayaa weerar dhanka xeebaha ah ku qaaday magaaladda Baraawe, waxaase iska caabiyay ciidamada dowladda Soomaaliya.
Ciidamada Amisom ee ku sugnaa Baraawe oo la filayay iney dagaalkaas ka qeyb qaataan ayaanan ka dhaqaaqin xarumahooda sida uu sheegay gudoomiye ku xigeenka dhanka amaanka gobolka Sh/Hoose Cali Nuur.

Arinta layaabka leh ee ay Amisom sameysay ayaa ah in markii uu dagaalka dhamaaday oo AlShabaab laga saaray magaaladda ay madaafiic ku tuureen halkii uu dagaalka ka socday, ayna qasaaro ugeysteen dad shacab ah.

“Markii uu dagaalku dhamaaday ayay Amisom madaafiic kasoo tuureen halka dalcada ah ee ay magaalada ka degan yihiin, waxaana ay usoo tuureen meeshii uu dagaalku ka socday, laakiin madaafiicda maba aysan gaarin oo dhexda ayay shacab kku laysay, waliba waxaa ay aheyd xili uusan magaalada dagaal ka socon”ayuu yiri sargaalkan uhadlay maamulka gobolka.

Sidoo kale waxaa uu ka warbixiyay qasaaraha ka dhashay dagaalkii magaaladda Baraawe oo uu tilmaamay iney ku laayeen ALShabaab badan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.