Ciidamada xoogga oo dil iyo Khasaaro xooggan gaarsiiyay Al-Shabaabka Gobolka Gedo.

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka ay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ay ka sameeyeen duleedka degmada Baardheere ee Gobolkaasi.

Abaanduulaha Guutada 10-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Gaashaanle dhexe, Cismaan Sheekh Cabdi ayaa sheegay in ku dhawaad 14 saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsanaa Al-shabaab ay ku dileen, islamarkaana waxaa uu sheegay in howlgalka Al-Shabaab looga gubay gaadiid dagaal,isagoo xusay in saanad militari ay ka furteen.

Gaashaanle dhexe Cismaan Sheekh Cabdi ayaa Waxaa uu sheegay in Ciidamada xoogga ay la wareegeen Saldhigyadii Al-Shabaab ku lahaayeen deegaannada Reydab iyo daar Macalin,isla markaana ay guul ka gaareen dagaal ay la galeen.

Mudooyinkii dambe ayaa Al-Shabaab iyo dadka deegaanka ay ku dagaalamayeen duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline