var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Ciidamada Xasilinta oo xalay sameeyay Howlgalo lagu adkaynayo Nabadgelyada Mgaalada Muqdisho

Ilwareed Online

Howlgalo ayay ka sameeyeen habeenkii xalay ahaa Ciidamada Xasilinta Xaafado ka mid ah degmada Shibis ee gobalka Banaadir, waxaana lagu soo qabtay dhalinyaro fara badan oo degmadaasi ka tirsan.
Ciidanka ayaa baaritaankooda ka sameeyay Xaafadaha iyo waaxyaha ay ka kooban tahay degmada Shibis, waxaana la baarayay Gaadiidka iyo Guryaha sidoo kala Ciidanka ayaa baarayay dhalinyarada Xaafadahaasi ku sugan.


Howlgalka ciidamada ayaa lagu soo qab qabtay boqolaal dhalinyaro ah oo intooda badan la sii daayay baaritaan ay ciidanka ku sameeyeen kadib halka qaar ka mid ahna ay Ciidanka xarumahooda ay u wateen.
Dhanka kale Maamulka degmada Shibis ayaa ka gaabsaday inay faah faahin ka bixiyaan Baaritaanadii xalay laga sameeyay degmadaasi, sidoo kale Laamaha ammaanka ayaa ka hadlin Howlgalkaasi.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments are closed.