Ilwareed Online
Daily News and entertainment from East Africa stay connected and get up-to-date news and events | @ilwareed | @ilwareedonline.

Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Mareykanka oo isaga soo baxay Baarsanguuni

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Jubbaland ay isaga soo baxeen deegaanka Baarsanguuni oo qiyaastii 45 KM u jira magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi.

Ciidamada Jubbaland ayaa la sheegay in xalay ay soo faarujiyeen fariisimihii ay ku lahaayeen gudaha deegaankaasi.

Sidoo kale warar qaar ayaa sheegaya in ka bixitaanka Ciidamada Jubbaland ay timid, kadib markii horay kuwa Mareykanka ay isaga soo baxeen halkaasi.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa Shabelle u xaqiijiyay in Ciidamadii huwanta ahaa ay dib ugu laabteen saldhig milatari oo ku yaalla M/ Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in gacan ku heynta deegaanka Baarsanguuni ay la wareegeen dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab.

Shalay gelinkii dambe ayey aheyd markii weerar ismiidaamin ahaa oo loo adeegsaday gaari Hoomey ah Al Shabaab ay ku qaadeen deegaankaasi.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline
Download ilwareed App from Google Play Store. Ilwareed App
Comments
Wuu socdaa sug...