Ciidamada Dowldda oo guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay J/Hoose,islamarkaana ka saareen Deegaan Muhiim ah.

Wararkaka imaanaya Gobolada Jubooyinka ayaa sheegaya in ciidamada Milatariga Soomaaliya oo kaashanaya ciidanka Jubbaland iyo kuwa Mareykan ah ay dileen 25-ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabaab,kadib weerar ka dhacay degaanka Baar-sanguuni oo 50-km u jira Magaaladda Kismaayo.

United States Marine Corps personnel from the 2nd Platoon, 1st Battalion, 1st Marine Regiment, who are in Australia as part of Marine Rotational Force – Darwin, press forward on a patrol during Exercise Hamel in Cultana training area, South Australia, on 1 July 2016. (Australian Defence Force photo by Cpl. Dan Pinhorn)

Gen.Ismaciil Saxardiid Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka Xoogga dalka oo la hadlay idaacadda ku hadasha afka ciidamada qalabka sida ayaa shaaciyay in lagu guuleystay howlgalkii ka socday nawaaxiga deegaanka Baarsanguuni,isagoo sheegay in howlgalka ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Cadaan ah.

Dhank kale Taliyaha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka saareen deegaankaasi iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolada Jubbooyinka, wuxuuna sheegay in khasaaro kala duwan ay gaarsiiyeen Maleeshiyadka Al-Shabaab oo deegaanadaas ka geysanayay weeraro ka dhan ah ciidamada Soomaalida iyo kuwa Ajnabiga ah.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline