var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Ciidamada dowladda oo xalay howlagalo ka sameeyay Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Ilwareed Online

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay baaritaano xoog leh ka sameeyay degmada Wardhiigley ee gobalka Banaadir, iyadoo howlgalkaasi lagu soo qab qabtay Boqolaal dhalinyaro ah oo ku noolaa degmadaasi.
Howlgalka ayaa laga sameeyay xaafadaha ay kooban tahay Warta Nabadda sida Xararyaale, Geed Jaceyl, Xaafadaha ku yaala Isgoyska Jid Mariixaanka meelo ka mid ah Bakaaraha iyo Meelo kale waxaana la iska sii daayay dadkii la qabtay intooda ugu badan kadib markii wax lagu waayay.

Dhanka kale Howlgalka ayaa daba jooga baaritaano habeenadii la soo dhaafay ka socday degmooyinka gobalka Banaadir kuwaas oo la sheegay in lagu sugaayo ammaanka Xaafadaha Magaalada Muqdisho oo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhacayeen dilal ay geysanayaan Al-Shabaab.


Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: