var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo faaruqiyay saldhigoodii Leego

0

Ilwareed Online –

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidmada Uganda ee AMISOM ka tirsan iyo kuwa dowladda Somalia ay isaga baxeen saldhig muhiim ah oo ku yaala degaanka Leego.

Ciidamadan oo muddo dheer degenaa ayaa la sheegay in xalay ay faarujiyeen saldhiga iyadoo xaalada deegaanka Leego ay haatan degen tahay.

Guddoomiyaha deegaanka Leego Abuukar Isaaq Alcadaala ayaa sheegay in ciidamadan lagu bedeli doono ciidamo Ethiopian ah oo ka tirsan AMISOM balse aysan weli soo gaarin saldhigaas.

Waxaa soo wajahday dadka ku nool deegaanka Leego cabsi la xiriirta in ay dagaalyahanada Alshabaab soo galaan halkaa oo haatan aysan joogin wax ciidamo ah.

Deegaanka Leego oo ka xiga magaalada Muqdisho 120km ayaa Laba sano ka hor, maleeshiyada al-Shabaab waxa ay weerareen xaradaasi weeraray, halkaasina ku dilay ciidamo Burundi u dhashay oo xeradaasi hore u daganaa.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : Ilwareed Online

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.