var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Ciidamada badda ee Maraykanka oo rasaas digniin ah ku riday markab ay Iiraan leedahay

Ilwareed Online –

Markab ay leeyihiin ciidamada badda ee Maraykanka ayaa rasaas digniin ah ku riday Markabka ay leeyihiin ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan sida ay sheegeen saraakiisha Maraykanka.

Dhacdadan ayaa ka dhacday biyaha Gacanka xilli markabka laga leeyahay Iiraan uu ku soo dhawaaday markabka ciidamada badda ee Maraykanka ee USS Thunderbolt.

Sargaal ka tirsan wasaaradda gaashaandhiga Maraykanka ayaa sheegay in markabka Iiraan uu u soo jirsaday markabkooda 450 fiit ama 137mitir, uuna iska dhagatiray wicitaan dhanka raadiyaha ah iyo hoonka markabka oo loo yeeriyay.

Ciidamada ilaalada kacaanka Iraan waa ciidamo si gaar ah u tababaran waxa ayna si toos ah uga amar qaataan hogaamiyaha ruuxiga Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei.

Markabka Iiraan ayaa istaagay markii lagu riday rasaasta digniinta ah ,islmarkana markabka Maraykanka ee Thunderbolt oo ay weheliyeen maraakiibta kale ee ilaalada xeebaha Maraykanka ayaa sii watay safarkiisa.

Dhacdadan ayaa ah mid ka mid ah dhowr dhacdo oo is xig-xiga oo dhex martay maraakiibta Maraykanka iyo Iiraan.

Sanado badan oo colaad ay u dhaxaysay labada dal ayaa soo yaraha dagtay ka dib markii 2016 ay Maraykanka cunaqabataynti saarnayd ka qaadeen Iiraan taasi oo qayb ka ahayd heshiis lagu xakamaynayay hamiga Iiraan ee samaysashada hubka Niyukleerka.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com

fadlan like saar boggeena facebook : Ilwareed Online

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: