Ciidamada Amniga oo toogtay 4 Ruux

Ilwareed Online –

Ciidamada Ammaanka maamulka Jubbaland ayaa Afar qof oo lagu tuhmaayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab waxa ay ku dileen Magaalada Baledxaawo ee gobolka Gedo.

Madaxa Amniga gobolka Gedo Bile Huufood Ibraahim ayaa Risaala u sheegay in xubnaha la dilay ay ahaayeen dhalinyaro ka tirsanaa Al-Shabaab.

Waxaa uu tilmaamay in raggaasi ay horay dil u geysteen nin nabadoon ah.

Madaxa Amniga gobolka Gedo ayaa sidoo kale caddeeyay in xubnahaasi ay dileen Ciidamada Amniga degmada Baledxaawo.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : Ilwareed Online