var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Cawaale Aadan: “Waxay ii noqoneysaa heestii iigu horeysay ee aan ku duubo kuna soo saaro Xamar…”

Ilwareed Online –

Fannaanka caanka ah ee Cawaale Aadan ayaa sharaxaad ka bixiyay hees cusub oo uu ku qaadayo magaalada Muqdisho markii ugu horeysay, isagoona sheegay in heestaan cusub ay ka hadleyso guud ahaan bulshada ku dhaqan dalalka geeska Afrika.

Waxa uu sheegay Fannaanka Cawaale Aadan in heesta cusub ay kula jiraan dhallinyaro reer Xamar ah isla markaana la jili doona masraxiyad ahaan dulucda iyo ujeedka miraha heestaasi.

“Waxay ii noqoneysaa heestii iigu horeysay ee aan ku duubo kuna soo saaro Xamar, baal dahab ah ayayna ii galeysaa” ayuu yiri Cawaale Aadan oo sheegay in fanku qeyb muhiim ah ugu jiro bulshada caalamka.

Fannaanka ayaa sheegay in adduunyadu ay tusaale ka qaadato dal waliba fanka uu leeyahay, wuxuuna tiriyay tuduc ka mid ah heesta cusub ee uu ku qaadayo magaalada Muqdisho, waana sidaan hoos ku qoran:-

Wiilashaa Indhaheygu
✅ Waa Wajeer iyo Gaarisa
✅ Waxa Maanka ku Yaalla
✅ Waa Mugweynta Jabuuti
✅ Niyadeydu Waqeed ba
✅ Waa Mid Joogta Hargeysa
✅ Qalbi Geygana Waadix
✅ Xamar Weeye Rugtiisu

✅ Wabigeyga Jubadiyo
✅ Waan u Jeelay Kismaayo
✅ garaad keyga ku weeynaa
✅ Waaladii Bladweyne
✅ Dhagtu weeydh eey maqleyso
✅ Taleex baa u wanaagsan



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : Ilwareed Online

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: