CALI MAHDI MIDAAN WAA KU SAXAN YAHAY

Waa mid kamid ah madaxweynayaashii dalkeena soomaray,gar ahaan kuwii ka danbeeyay madax weyne siyaad. Maha nin hada aynu barayno soomaalida iyo caalamkaba waa madaxweyne hore cali mahdi.sideedaba waxaa haboon in qof walba lasiiyo xaqiisa iyo waxa uu markaa mudan yahay wataa cadaaladu. anoo taa ka duulaya waxaan hambalyaynayaa madaxweyne hore cali mahdi oo kamid ah muwaadiniinta soomaaliyeed,oo waxaan uugu hanbalyaynayaa sadex arimood. mid waa in uu yahay nin u diyaar ah in uu maalgashado dalkiisa hooyo.

Midkalana waa in uu cod dheer uugu baaqay umada soomaaliyeed in ay dalkooda dhistaan oo maal gashadaan kuwa illaahay siiyay dhaqaale ay maalgashi ku samayn karaan.Mida sadexaadna waa aqoon yahanadii soomaaliyeed oo uu hawlgaliyay isagoo iska diiday shisheeye. dadka soomaaliyeed waa ogahay oo sidii burburku u dhacayba buufis siyaasadeed ayaa dadkii ku dhacay,habar iisho kastaa siyaasad ayay filkee!! siyaasooy xaal qaado. waxaan u jeedaa mawduuceenu maha siyaasad,ah mu ayid iyo mucaarad,maha cali mahadi waa siyaasi fiican iyo waa mid xun,kaliya waxaan siinaynaa xaqiisa ficilkan uu hada sameeyay oo ah mid dhiiri galin dhismo iyo dalkeena ah iyo in aan gurigeena quruxsano hadaynu nahay soomaali. arinkaan wuu ku aamanan yahay waana baaq odayeed iyo talaabo fiican oo ah in lagu daydo lana yeelo warkaas odayga soomaaliyeed soo jeediyay.

Warmiyay siman yihiin mid dalkeena duminaaya,oo ku habsaday sidii dhul lahelay guryihii danta guud,beerihii umada soomaaliyeed iyo guryihii shaqsiyaadkaba si aan looga saarin dirir kula jira dalkoo dawlad hela nidaam iyo kala danbayn iyo mid malaayiin galinaaya oo dhisaaya dalka sharaf iyo dawladnimana diyaar u ah? allaa idiliyee cali midaan waa ku amaanan yahay waana ku saxan yahay. qof walba waajib ayaa ka saaran dhismaha dalkiisa dhan walba.

Dadka Mogdisho dagan gaar ahaan ee soomaaliyeed iyo guud ahaan umada soomaaliyeed ee iskaleh caasimadaan oo ah muraayadii dalkeena soomaaliya dunidu ka daawanaysay,xilbaa inaga saaran in aan meel uuga soo wada jeedsano kuligeen,xasiloonideeda iyo amaankeeda iyo dhismaheeda si caalamkuna ugu soo dalxiis tago una maal gashado. waxaa ceeb ah iyo badawnimo in aan isku khilaafno caasimadeena aan dhisano oo ah danguud.waxaana nabada u diidan shabakada maafiyada caalamiga ah oo uu horboodo madaxweyne hore xasan sheekh,fiqi,mahad salaad,cabdishakuur.odowaa,oo kasoo jeeda galmudug dhib iyo amaan xumana ku haya Mogdisho iyo dadkeeda,iyo guud ahaan dawladnimada umada soomaaliyeed,iyagoo ka doortay lacag doolar ah oo ay ka helaan shisheeye cadaw u ah soomaaliya oo kale dano guracan dalkeena.

Waxay difaacayaan danbiilayaal dad soomaaliyeed ku xasuuqay,galkacayo kuwaas oo kasoo jeeda koonfur galbeed. waxayna shabakada maafiyada caalamiga ahi ka hor yimaadeen sida baarlamaanka soomaaliyeed labadiisa aqalba uga xumaadeen amarna ugu baxsheen in faldanbiyeedkaa dhacay,dadkii sameeyay sharciga la horkeeno. waxay raali ku noqdeen shabakadu in dadkaa la xaqiro dhiigooda iyo dilkooda maxaayeelay waa niman ubartay daadinta dhiiga soomaaliyeed har iyo habeenba,dadka in dhiigooda la qubaa qiimo lama laha.

Waxay hadana sida soomaali uwada jeedo la safanyihiin cadaw qarameedka badeena soo weeraray, Kenya iyo dawladaha taageersan ee doonaaya in badeena la dhaco oo macnaha kadanbeeyaana yahay shidaalka dhex ceegaaga in la qaato.ninka dalkiisa dal ay is hayaan oo dagaal ka dhexeeya la saftaa waa khaainu wadan ciqaabtiisuna waa diltoogasha ah oo kaliya maha xabsi,cadawgaad is haysaan isagaa ka xun. dadka soomaaliyeed hoos ha u eegaan cadawga ku dhexjira hana iska nadiifiyaan. dawladan hada jirtana majirto dawlad kawanaagsan burburkii kadib hadaan illaahay ka yaabayno oo aakhiro ka rajo qabno weeye.

dalkeena aan difaacano. marlabaad cali mahdi waa mahad santay sharaf ayaan kuu hayaa aad u wayn gulayso.