var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Cali Cabdullaahi Cosoble oo Muqdisho soo gaaray

Ilwareed Online

Madaxweynihii maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa Galabta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa lagu waddaa in uu la kulmo Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan wararka Cali Cosoble ayaa Muqdisho u yimid la kulanka Wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Xalane, si uu ugu gudbiyo dacwad ka dhan ah dowladda Federaalka iyo in xil ka qaadistiisa ay aheyd sharci darro.

Cosoble ayaa wali aaminsan in uu yahay Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.

Sidoo kale magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: