Cadaaladda Dacwada Ikram Tahliil iyo Xilka Qoowmu Luud.

Ku: Madaxtooyada Dalka iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Waa Run Arrinta Ikram waxa ey u baahan tahay in laga gaaro Xal cadaalad ah iyo in ey hesho Garsoor lagu kalsoon yahay oo Bulshadu aqbali karto, sida ey codsadeen Waalidkeed iyo Bulshada inteeda badan. ( F.S: 1aad).
A) ku : Madaxtooyada Dalka.
Sida ku cad Qoraalka Sumadiisu tahay XM.Lr. 443, ee soo Baxay 13/9/ 2021( F.S: 2aad)
Dhinaca Sharciga:
1. Haddii Maxkamadi aqbasho in ey qabato Gal dacwo oo dhameystiran, lagama soo celiyo inta ey go’aan ka gaareyso, haddii dhinacyadii dacwadu ka dhexeeysay eynan ka gaarin Go’aan Dacwo ka noqosho.
2. Haddii Guddi kale laga dhinac abuuro waxa ey noqonee wax aan isqaadan karin Sharci ahaan “incompatibility of Law”. Haddii Go’aanka Maxkamadda ka hor Guddigu uu Go’aan gaaro ma noqonayo Sharci.
3.Xeer ilaaliyihii Maxkamadda Ciidamada ee Gal Dacwadeedka Gacanta ku hayay, ayaa haddana ka mid ah Guddiga. Midkuu la shaqeynaa? taasi waxa ey keenee in ey saameeyn ku yeelato Cadaaladda Go’aankiisa, waana Laba arrin oo ah “incompatible” oo Sharciyan isku mar aan is qaadan karin.
Dhinaca Bulshadda:
Ikram ma ahan Qof Macsuum ah, Dambi waa gali kartaa, laakin waxaa loo baahanyahay Cadeeyn iyo Maxkamad Go’aan ka gaarto haddii ey Dambi gashay.
Ma ahan in Bulshada lagu mashquuliyo, Su’aalaha ah: yaa Gudiga ku jiro? Dacwadii Maxkamadda tiil, miyaa la baabiyay ? Taliyayaasha la magacaabay ma u Madax banaan yihiin in ey soo xulaan Xubnaha ku matalayo? qaarkood waxa ey xubno ka ahaayeen Guddi hore loogu saaray?. waa kuma Taliyaha NISA ee Xubinta soo magacaabi doono?.
Dadka miyaa lagu Qancinaa in aan la diidaneyn in la baaro Dacwada, oo marmarsiyo laga dhigto, iyo in la yiraa: in aan Dacwada la diidaneyn waa taa Gudiga loo saaray.
Talo soo jeedin.
Waxaan ku talin lahaa in aan Galkaa Dacwo Maxkamadda laga soo celin, iyo in aan Maxkamadda Guddi laga daba magacaabin. kaa oo ah Guddi Cadaaladda ka raadiyo meel eyna jirin.( F.S: 3aad)

😎Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Waxaa batay hadal heynta ah in Wasiiro kale Xilka laga qaadayo, kuwa cusubna lagu bedelayo, kuwa la hadalhayo ayaa su’aali ka taagan tahay.
in Rag ,Rag lagu bedelo, Haween, Haween lagu bedelo ama Rag iyo Haween la isku bedelo, waa Caado soo jirtay.
Nagama dhaga yaridiin, Halaga taxadaro in Rag lagu Bedelo Qof Qoowmu luud ah.
Waan ognahay Awooda ey kooxdaasi Caalamka ku leedahay, Dhaqaala ahaan iyo Siyaasad ahaan, waan ognahay in Somaliya ey ku soo bateen, iyo wadamada tababarka qoowmul luud nimada loogu qaado, kadibna Dalka dib loogu soo celiyo. Waad ogtihiin Dadka la hadal hayo in dhawaan la soo magacaabi doono iyo xaaladooda. Haddii magacaabidaa cusub sida loo sheegayo ey Run u tahay. Marabo in aan Farta ku fiiqo (F.S: 4aad) .
Waan ogahay Awooda ey Caalamka ku leeyihiin iyo Qofkii wax ka sheego Dhibaatada ka soo gaari karto. Haddana waa in aan ku dhiiradaa in aan khatarta ka digo.
Waxaan nahay Ummad Somaliya oo Muslim ah. sida Wadamada qaarna ma ogolaan karno Musuul Qoowmu luud ah in Xil Sare lagu aamino, taa oo Fasahaad ummadda u hor seedi karto.
Waa iga Talo.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu haka fiirsado oo yaan Hoosta loo galin, Talaabo isaga ku soo noqon doonto.
Bacdamaa eyna ii suura galeeyn in aan Labadaa xafiis toos ula xiriiro, Tala jeedinteeydu waa intaa.
FG: Arragtidaada Xur ayaad u tahay, wixii ka khaldan ka sax. wixii ka dhimanna ku dar.
Qore: Yahay Amir





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline