Cabsi laga qabo inuu Ayax ku faafo dalal ku yaal Bariga Afrika

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in Ayaxa ku habsaday deegaano badan oo ka tirsan dalka Itoobiya uu si ku baahi karo dalal deriska waa haddii la xakameyn waayo.

Dowladda Itoobiya ayaa ku baaqday in si deg deg wax looga qabto Ayaxa saameynta ku reebay ilaa 9 gobol oo ka tirsan dalkaas, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.

Haddii la xakameyn waayo Ayaxa waxaa uu kusii faafi karaa deegaanada sida gobolka waqooy bari ee Kenya, qeybo kamid ah Eritrea, iyo koonfurta Suudaan, sida ay sheegtay ha’yadda FAO.

Ayaxa ayaa sidoo kale ku reebay dhuldaaqsimeedka gobolka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Gobolka Amxaarada, wuxuu Ayaxa baabi’iyay beero ku yaal halkaa





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline