var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Caalim “8-da Kursi Horay Maxkamadda Ayaa U Dhaarisay” Dhageyso

0

Ilwareed Online –

Diblumaasi Maxamed Maxamuud Caalim ayaa sheegay in guddoomiyaha maxkamadda sare uu dhaariyay 8-da kursi ee hadda maxkamaddu diidan tahay.

Wareysi uu siiyay Goobjoog News ayuu ku sheegay in arrinta la isku hayo ay tahay qalad siyaasadeed oo uu horay u galay guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Ibraahim Iidle Saleebaan.

“8-da xildhibaan oo la isku heysto dhammaantood waxa weeye xildhibaanno la dhaariyay oo ka qeyb galay doorashadii madaxweynaha, oo maxkamadda sare oo hadda diiddan uu dhaariyay Ibraahim Iidle Suleymaan, waxaa moodda arrinta arrin siyaasad laga leeyahay oo dowladda markii ay horumar gaarto kooxo dano gaar ah leh ay jiraan, guddoomiyaha maxkamadda sare sidee buu u dhaariyay xildhibaanno la isku heysto” ayuu yiri Diblumaasi Maxamed Maxamuud.

Waxa uu sheegay in guddoomiyaha maxkamadda sare ay horay u dhaarisay xildhibaannada kuraastooda iminka uu muranka ka jiro arrintanina ay noqon karto mid siyaasado kale ay ka dambeeyaan.

Arrintani oo ka dhex aloosan  baarlamaanka iyo maxkamadda sare ayaa hadana dastuurka dalka u degsan waxaa ku qoran in labadaasi hay’adood ee golaha sharci dejinta iyo garsoorka ay kala madaxbannaan yihiin.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : Ilwareed Online

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.