Bulshada iyo maamulka Gaalkacyo oo Maanta sagootiyay Gaadiid gargaar u sida Baladweyne

Gaalkacyo- Waxaa Magaalada Gaalkacyo lagu sagootiyey Maanta 3 Gaari oo nooca Candhameydlaha loo yaqaan ah iyo Guddiga gargaarka deg-degga ee dhanka Caafimaadka oo ka kooban 5 xubnood, si ay ugu gurmadaan Dadka ay waxyeellada kasoo gaartay fatahaadda Webiga Shabeelle ee mara Baladweyne.

Deeqdan oo noocyo kala duwan ah ayaa waxaa soo uruuriyay Shacabka Gobolka Mudug , waxaana sagootinteeda goob joog ka ahaa, Dhalinayaro, aqoonyanno, Culimaa’udiin, Saxafiyiin, Bulshada qeybaheeda kala duwan , maamulka Degmada Gaalkacyo, Guddoomiyaha Gobolka iyo ku Xigeenkiisa .

Sidoo kale waxaa gurmadka loogu jiro u gargaaridda Dadkii ku waxyeelloobay fatahaaddii ka dhacday Magaalada Baladweyne door weyn ka qaatay Shacabka ku dhaqan Gobollada Puntland iyo Galmudug.

     





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline