var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Britain oo dhalashada kala laabatay Nin lagu eedeeyay xiriirka Al Shabaab

Dowladda Britain ayaa kaarka aqoonsiga dhalashada Dalkaasi kala laabatay Muwaadin ka soo jeeda Dallka Suudaan kadib markii lagu helay in uu xiriir la leeyahay Xoogga Xarakada Al Shabaab.

Britain ayaa sheegtay in Ninkan uu u safray Dalka Soomaaliya, islamarkaana uu gaaray goobo ay maamulaan Xarakada Al Shabaab.

Xukuumadda London ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Muwaadinkan ka soo jeeda Suudaan markii uu safrayay in ay la socdeen labo kale oo ka mid ah Xoogaga Al Shabaab.

Britain ayaa ugu dambeyn shaacisay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono qof walba oo lagu helo in uu xiriir la leeyahay Kooxda Daacish iyo Xoogaga Xarakada Al Shabaab.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: