Ilwareed Online
Daily News and entertainment from East Africa stay connected and get up-to-date news and events | @ilwareed | @ilwareedonline.

Boqolaal Ciidamo ka tirsan milateriga oo saaka ka dhaqaaqay magaalada Muqdisho

Ciidamo fara badan oo ka tirsan milateriga dowlada Somalia ayaa saaka ka ruqaansaday magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda gobolada dalka qaarkood.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada oo degenaa agagaarka Wasaarada Gaashaandhiga Xukumada Somalia ay wateen gaadiid fara badan oo kuwa dagaalka ah.

Ciidankan ayaa la soo sheegayaa iney afka saareen wadada dhinaca koonfureed uga baxda Muqdisho iyagoo ku sii jeeda degaano ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Lama oga illaa hadda ujeedka ciidamadan iyo iney howlgal u socdaan iyo in kale, saraakiisha ciidamada xoogga dalkana weli kama hadlin arintan.

 

Download ilwareed App from Google Play Store. Ilwareed App
Comments
Wuu socdaa sug...