var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Booqashadii Shalay, Warbixino cusub & Sawirro xiiso leh oo ku saabsan booqashadii Boris Johnson (Sawirro)

0

Xoghayaha arrimaha dibeda Britain Mudane Boris Johnson oo maanta booqasho ku yimid Somalia ayaa ka sokow kulamada uu la qaatay madaxda dowlada waxaa uu booqday xarumo kala duwan.

Dayuurada gaarka aheyd ee uu la socday Boris Johnson ayaa waxaa laga soo dejiyey shixnado gargaar ah oo dowlada Britain ugu talo gashay dadka abaaruhu ku saameeyeen gobolada.

Saraakiil ka tirsan heyadda WFP ayaa lagu wareejiyey deeqdan oo la saaray dayuurad kale oo ku sii jeeday degaaano hoos taga gobolada Bay iyo Bakool si loo gaarsiiyo qoysaska degaanadaas ku tabaaleysan.

Dhinaca kale, Xoghayaha arrimaha dibeda Britain Mudane Boris Johnson ayaa booqday xarunta QM ee Somalia oo ku taalla gudaha xarunta Xalane, isagoo ku soo wareegay xafiisyada xaruntaas, waxaana halkaas ku soo dhoweeyey wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Somalia Micheal Keating.

Goobaha uu booqday Boris Johnson waxaa kale oo ka mid aheyd xarunta taliska ciidamada AMISOM ee Xalane halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen saraakiisha ciidamadaas, isagoo ku soo wareegay qeybaha xaruntaas.

Boris Johnson ayaa intii uu ku sugnaa xarunta taliska ciidamada AMISOM waxaa uu dusha ka fuulay mid ka mid ah gaadiidka gaashaaman ee ay watan ciidamada halkaas degan waxaana ka dib loo soo gelbiyey xarunta madaxtooyada Somalia oo uu kula kulmay Madaxweynaha iyo masuuliyiin kale.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.